Latest

6/recent/ticker-posts

15 KA FURE EE GUUSHA

 


In la guuleeysto ma ahan shay adag, sida ay umaleenayaan dadyoow badan gaar ahaan dhalin yarada. Guushu waa wado dheer oo u baahan adkeeysi iyo sabar, balse nasiib xumo dadku markay ka sheekeenayaan guusha waxay hilmaamaan ama ay is hilmaansiiyan caqabadaha ka sokeeya guusha, midaas oo loo baahan yahay in ay wajahaan. Haddaba walaal aan kula wadaago 15ta fure ee guusha:


1. Waxaa khasab ah inaad go’aamiso waxa aad doonayso, waa maxay qiimaha aad diyaarka u tahay in aad bixiso, ha ahaato wakhtiga ama dadaalkaaga si aad u gaartid hadafkaaga guusha. 


2. Ku kalsoonow Allaah SWT, Allaah oo la baryo ducadana lagu celceliyo maalin kasta waa mid ka mid ah furayaasha ugu waaweyn ee guusha. Allaah SWT wuxuu xadiisul Qudsi ku yiri [ANIGU WAXAAN AHAY MALAHA ADOONKAYGA HADDU KHAYR IGA MALEYSTO WUU LEYAHAY, HADDU SHAR IGA MALEEYSTANA ISNA WUU LEYAHAY]. 


3. Wax ku oolnimo iyo nafta oo lagu kalsoonaado, Allaah awoodo farobadan ayuu kugu abuuray oo aad ku xaqiijin karto guushaada haddaba isticmaal awoodahaaga oo ku kalsoonow naftaada. 


4. Xasuusnow in qof waliba oo guuleystay uu ahaa sidaada oo kale, mid maalin ku riyooday in uu guuleysto oo walibana la yaabanaan jiray dadka guuleystay qaabka ay u guuleeysten. 


5. Ha eegin caqabadaha wadadaada yaal oo keliya, balse eeg raadinta xalalkooda waa la helayaaye, hana ka walwalin caqabad kasta oo adduunka taala xal ayeey leedahay e. 


6. Adigu dadka kale ha isla barbardhigin, oo ha is dhihin ma guuleysan kartid sida hebel u guuleysan waayay oo kale, balse aaminsanoow inaad guuleysan karto kaligaa. 


7. Ka fogow oo ka dheerow la fariisashada dadka hoos ku dhigaya ee ku niyad jabinaya, oo la saaxiib dadka ku dhiirigalinaya soona dhaweeyso dadkaas. 


8. Xiriir la yeelo dad leh waxtar, marka aad dadka xiriir la samaysid caalamkana xiriir ayaad la sameyn kartaa oo guuleysan kartaana, haddaba raadi fursadaas oo ha sugin intay kuu imaaneyso. 


9. La fariiso oo la jir dadka guuleystay, si aad adiguna ula qaado wadada guusha markaas waxaad noqonaysiin dad isku hadaf ah oo guleysan kara. 


10. Baro qaababka ugu fiican ee aad u kaalmeyn karto dadka kale, maxaa yeelay farxad badan ayaa arintaasi laga helaa iyo firfircooni dheeri ah. 


11. Hadaf sare yeelo oo hanqaltaagaagu ha sareeyo, himad sare iyo hadaf cad ayaa hormar lagu gaaraaye. 


12. Ku kalsoonow inay suuro gal kuu tahay helitaanka wax waliba oo aad u baahantahy, si aad hadafkaaga u gaadho una guuleystid. 


13. Baro xirfado badan oo kuu sahlaya in aad guusha gaarto, waxaana ka mida ah maareynta wakhtiga, xalinta mashaakiisha iyo qorshaynta arimaahaga oo dhan. 


14. Qoritaanka qorshooyinkaaga waaweyn waa wado muhiim ah oo ad guusha ku gaari karto ee meel ku qoro dhamaan qorshooyinka aad leedahy. 


15. Ku qor liis acmaashaada iyo hawl maalmeedkaaga oo u raac si sax ah, si hawlahaaga oo idil ay kugu hagaagaan.


Ugu danbeyn, ogoow in marka aad guusha gaarto aad ogaan doonto in dadka guuleystay dhamaantooda sidada oo kale ay ahaayeen. Yacni guul la’aanta ay soo wada mareen. 


 


 


                                                       

Post a Comment

0 Comments