Latest

6/recent/ticker-posts

30 XIKMADOOD OO DHIIRIGELIN AH


1. Aamusnaan xoog ugu shaqee, guushaaduna ha sameyso dhawaaqa. 

2. Haddii aad rabto inaad hesho waaxanad waligaa hore u helin waa inaad samaysaa waxaanad waligaa hore u samayn. 

3. Laba shay ayaa ku qeexa, samirkaaga markaanad waxba haysan, iyo dabeecadaada markaad waxkasta haysato. 

4. Farxada ugu weyn aduunka waa qabashada waxay dadku ku yidhaahdaan ma qaban kartid. 

5. Wabigu kuma jiro dhagaxa awoodiisa balse waxa uu ku jira adkaysigiisa. 

6. Haddii ay muhiim kuu tahay waxaad heli dootaa dariiq haddii aanay muhiim kuu ahayna waxaad heli doontaa cudurdaar. 

7. Riix naftaada sababtoo ah ma jiro qof kale oo ku riixayaa. 

8. Socdaalka kumanaanka mayl ah waxa uu ka bilaaabmaa hal talaabo. 

9. Waxaad guuldaraysataa oo kaliya markaad joojiso iskudayga. 

10. Aargudashada ugu fiicani waa inaad guul weyn gaadho. 

11. Caqabaduhu maaha inay ku joojiyaan. Haddii uu gidaar ku xanibo dib ha uga noqon oo ha quusan, hel si aad ku fuusho haddiii aanad fuuli karin hel si aad uga hoos baxdo, haddii aanad ka hoos bixi karina hel si aad ku agmarto. 

12. Guulaysuhu waa qof riyooday oo aan waligii quusan. 

13. Haddii aanad waligaa guuldareysan waligaa wax cusub iskuma aanad dayin. 

14. Haddii aanad hormar u samaynayn sidii dhakhsaha ahayd ee aad rabtay inaad u samayso macnaheedu maaha inaanad horumar samayn, hore u soco. 

15. Markaad u rabto inaad u guulaysato si lamida ah sida aad u rabto inaad u neefsato markaas ayaad guulaysan doontaa. 

16. Dadka daciifka ahi way aargutaan, dadka xoogani way cafiyaan, dadka caqliga badana way iska indho tiraan. 

17. Ugu horeynta waxay ku waydiin doonaan sababta u samaynayso, marka dambena waxay ku waydiin doonaan sida aad u samaysay. 

18. Haddii aanad riyadaada kuu gaarka ah dhisan, qof kale ayaa kuu shaqaalaysiin doona inaad riyadiisa la dhisto. 

19. Qofka dhinaca xun wax ka eega fursado kasta wuxuu arkaa dhibaatooyinkooga, qofka dhinaca fiican wax ka eegaana dhibaato kasta wuxuu ka dhex arkaa fursado. 

20. Guulaystayaashu maaha dadka aan waligood fashilmin balse waa dadka aan waligood quusan. 

21. Ha joojin marka aad daasho, jooji markaad si buuxda wax u qabato. 

22. Shaqada adag ayaa ka badisa kartida, markaanay kartidu si xoogan u shaqayn. 

23. Talaabada ugu horeysa ee aad meelkasta ku gaadhi kartaa waa inaad ugu horeyn go’aansato inaanad sii rajaynayn inaad halkan aad joogto sii joogto. 

24. Hawlaha aad inta ugu badan ka fogaataa waa kuwa ay ku jiraan fursadahaaga ugu weyni. 

25. Ka bilow halka aad joogto, isticmaal waxa aad haysato oo qabo waxaad qaban karto.  

26. Haddii aad ku guuldaraysato inaad wax qorshaysato, waxaad qorshaynaysaa inaad guuldaraysato. 

27. Waligaa ha quusan, bilowga badanaa waa waxa ugu adag. 

28. Noloshu kuma siiso waxa aad rabto, waxay ku siisaa waxaad shaqaysato ee aad u qalanto. 

29. Noloshu xadidaado ma leh, marka laga reebo kuwa aad adigu samaysato. 

30. Waxa ugu fiican ee aad noloshaada sameyn karto waa inaad naftaada aaminto.

Post a Comment

0 Comments