Latest

6/recent/ticker-posts

30 SANO ISAGOON GAARIN AYUU XAQIIJIYEEY GUULO WAAWEYN


Sanadkii 2003 dii waxaa jiray arday dhigan jiray jaamacada ‘’HARTFORD’’ ee dhacda dalka Mareykanka, ardaygan oo dhiganaayey kuliyada computerka waxay xiriir wadaag ahaayeen gabar ka mid ah gabdhaha ay isla-dhigan jireen jamacada, xiriirka u dhexeeyey labadan arday wuxuu ahaa mid dhaleeceyn iyo muran ku suntanaa maxaa yelay ardaygan wuxuu ahaa mid si joogta ah u dhaleecen jiray gabadhan ay xiriir wadaaga yihiin, mar uu dhaleeceyo qaab hadalkeed qaab socod keeda iyo xitaa qaab farisigeeda. 

Taaso si joogta ah uga dhex curin jirtay muran dhexdooda ah labadaan arday, maalin maalmaha ka mid ah waxay ahaayeen kuwa fadhiya makhaayad kana cuntenaayay, sida caadada ah waxay is weydaarsanaayen hadalo ka hor intaanu bilaaban ardaygii dabecadiisi qalafsaned isagoo dhaleecen ku bilaabay inantii saluug uu saluugsan yahay qaabka ay u hadleyso iyo xarakaadka ay sameeneysaba, inantii oo markii horeba saluugsaneed dabeecadisan ayaa caro daraaded uga kacday miiskii ay wada fadhiyeen goobtiina uga dhaqaaqday inankaan saluuga badan, dabcan shekadu halkaas kuma aysan istaagin ardaygan oo ay qancin wayday kana carooday qaabka ay uga tagtay gabadhii ay xiirka mudadaa dheer wadaagen ayay isaga iyo saaxiibkii kusoo dhacday fikrad, fikradaas oo ah midaan qumaneyn oo aad u qaab daraned, ayaa ahayd inay sameeyaan website ama mawqic ay isbarbar dhig ugu sameenayaan gabdhaha ay jaamacad wadaaga yihiin iyo xayawaanka jaamacada joogay, sida eyda iyo wixii la mida ah. 

Kahor intaanay badalin inay isbarbar dhigaan isla gabdhaha jaamacada iyagoo isbarbar dhigay quruxdooda iyo soo jiidashadoodaba, waxayna codeyn u sameenayeen tan ugu quruxda badan, gabar walbana sawirkeeda iyo dhamaan xogteeda oo dhameys tiran ayay ag dhigayeen gabadha kale ee ay isbarbar dhigayeen si ay xog dhameystiran iyo sawirada gabdhahaasi u helaana waxay jabsadeen website kii jaamacada iyagoo sidaasi ku gaaray xogta dhamaan gabdhihii jaamacada la dhiganaayey. 

Website kan oo ay ugu magac dareen ‘’FACEMASH’’ ayey bilaabeen inay la wadagaan ardaydii kale ee ay jamacada isla dhiganaayeen, isagoo mudo kooban gudahed ku fiday dhamaan jaamacada oo dhan. 22 kii saac ee ugu horeysay sameynta website kan waxaa istaagay dhamaan silverdii jamacada culeeska uu dareemay website kan daraaded, iyadoo ay gaareen dadka mudadaasi kooban galay in ka badan 20 kun oo arday. 

Maalintii xigtay ardaygaan wuxuu noqday qofka ugu caansan looguna hadal haynta badan yahay jamacadaasi, sidoo kalena wuxuu noqday ardayga ay ugu neceb yihiin gabdhihi jaamacadaasi, laakiin jabsashada uu jabsaday website kii jaamacada iyo xogtan uu amar la’aanta uu ku isticmaalay awgeed wuxuu maamulkii jamacada uu ka joojiyey waxbarashadii mudo lix bilood ah, waxbarshadaan laga joojiyey kama dhigin mid ka joogsaday talaabadii uu qaaday. 

Wuxuu bilaabay inuu ka shaqeeyo website kan sidoo kalena uu hormariyo ka hor intaanu sanado kooban noqon mulkiilaha shirkada ugu awooda badan aduunka dhanka social media yaha, dabcan marka aragtid akhriste calaamadan waad garan doonta qofka aan ka hadleyno.


‘’MARK ZUCKERBERG’’ maanta waa mulkiilaha shirkada ‘’FACEBOOK INSTAGRAM MESSENGER IYO WHATS APP’’ dadka isticmaala applicationadan wadar ahaan waxaa lagu qiyaasaa inay ka badan yihiin 3Bilyan oo qof marka aan eegno tirada dadka ku nool dunidaan oo lagu qiyaaso 6 Bilyan, waxaa hubaal ah in ‘’MARK’’ ay hoos yimaadan macluumadka iyo xogta kala bar dadka dunidaan kunool, isagoo lagu tiriyo mid ka mid ah dhalin yarada aduunka ugu saameynta iyo hantida badan. 

Waxaa hubaal ah in fikrada ‘’ZUCKERBERG’’ ay ku bilaabatay qaab aan subaneen laakiin maalinba maalinta ka dambeysay talaabo horey u qaadayey hagaajinta fikradiisa ka hor intaanu ugu dambeyn ku guuleysan yagleelida shirkad lagu tiriyo shirkadaha ugu baaxda weyn aduunka maanta.

Post a Comment

0 Comments