Latest

6/recent/ticker-posts

KA OGOW 4 WAX GUUL DARADA

 


Waxaa hubaal ah id aadamuhu ka siman yahay nacaybka iyo anfariirka uu ka qabo guuldarada, waxaana hubaal ah inay tahy sifo qofka ku suntama bulshadu ay ka fogaato kuna tuhunto midaan nolosha faaido iyo nasiib ku lahayn, waxaan loolan ugu jirnaa inaan iska ilaalino inaan ku suntano guuldaro, waxaana laga yaaba cabsida aan ka qabno awgeed in marar badan aan ka istaagnay isku dayo iyo is badalo aan ku sameyn lahayn nolosheena. 

Waa sifo marka aad ka caaganaatid ay dadku kugu eegaan il farxad oo ku faan leh halka marka aad ku dhacdidna aad isku badaleysid mid lagu eego indho liiditaan iyo hoos u dhig leh. 

Arday macalin, ganacsade, maal qabee, madaxweyne iyo qoysba, ka biqitaanka guuldaradu waa sumada keliya ee kulmisa. Laakiin akhriste wali ma maqashay faaidooyinka guuldaradu leeday mase is weydiisay sababta guuldaradu u tahay lama huraa? Waxaan idinla wadaagaya 4 qaybood aadan waxba ka ogayn guuldarada. 

1. Guul-daradu waa lama huraan 

Ugu horeyn akhriste waxaa khasab ah inaan ogsoonaano in ay guuldaradu tahay mid lama huraan ah, xiligay rabto ha ahaato aad mar uun dhadhaminaysid. Aduunka ma jiro qof meel gaaray ama isku day yar sameyay oo aan dhadhamin qaraarka guuldarada, lakiin guuldaradu waxay u qaybisaa dadka laba qaybood; kuwa iska dhaadhiciya in guuldaradu ay tahay dhmaadka dunida albaab walbana iska soo xira, bilowgana is dhiiba noloshana ka rajo dhiga iyo kuwo guuldaradu u noqoto bilow cusub isweydiiya sababaha keenay guuldaradooda, kana barta cashir una kuur gala sidii uu uga feegjignaan lahaa inuu mar labaad kasoo dhaco salaanka guusha. ‘’MAYKAL JORDAN oo lagu tiriyo ciyaaryahanada kubada kolayga kuwoodi ugu magaca weynaa, ayaa laga haaya oraah ahayd WAAN OGOLAAN KARAA GUULDARADA MAXAA YELAY DADKOO DHAMI WAY GUULDAREYSTAAN LAKIIN MA OGOLAAN KARO INAAN MAR LABAAD ISKU DAY LA IMAAN.’’ 

Guuldaradu waa caqabad soo wajahda qof walba oo guntan hayaanka dheer ee guusha, lakiinse qofka gaara meesha uu usocda keliya waa kan kaca marka uu kufo hayaankiisana sii wata. 

2. Guul-daradu waa tan sameysa dadka guuleystay  

Marka aad akhrisid sheekooyinka guusha dadka saameynta ku leh aduunka xiligaan iyo sidoo kale sheekooyinka dadkii horeba waxaa arkaysaa in guul daradu ay tahay sumada keliya ee ay ka siman yihiin dhaam dadka guuleysta ‘’ TOMAS EDISON mar la weeydiiyey sida mucjisada leh ee uu hal abuuray layrka ayuu ku jawaabay in iftiinkaasi ay ku hoos duugan yihiin 999 jeer oo guuldaro ah, sidaas o kale akhriste ayey guuldaradu u tahay tan sameysa guusha waxay ka dhigaysa qofka marka uu fashilmo mid ka fikira sababaha keenay guuldarda, dibna u eega khaladaad uuna u jeedin markii hore, sidoo kalena yeesha taxadar iyo feejignaan hor leh, marka aad ku guul dareysatid ganacsi cusub ka hor intaadan mid kale bilaabin waxaa isweydiinaysa sababta keentay fashilki hore, waxaad bilaabaysaa dejinta qorshe aad uga baaran dagaysid guuldaro cusub halka markii hore ay dhici karto inaad qorshe la’aan bilowday ganacsigii hore sidaasi oo kale ayay guuldaradu kaa dhigaysaa mid yeesha dulqaad iyo fakar hor leh. 

3. Raadka suuban ee guul-daradu ku reebto maanka 

Marka lagu dhaho guuldaradu waxay raad suuban ku reebta shaqsiyada qofka, waxaa hubaal ah inaad si layaab leh isku weeydinaysid goorma ayay guuldardu raad suuban yeelatay. Ardaygu marka uu ku dhaco imtixaanka ama tusaale marka aad adigu ku dhacdid imtixaanka dhamaan dhalinyaradii aad fasal iyo kursi wadaaga ahaydeena ay wada guuleeystaan sidee noqonaya dareenkaagu se xiligaas maxay isweydiinaysaa naftaadu waxaad bilaabaysaa qomameyn iyo caro waxaad noqonaysaa mid rajo dhiga, guuldaraduna ay maamusho noloshiisa waxaa aad ka qoomameenaysaa daqiiqad walba oo aadan wax akhrisan saacad walba oo ciyaar iyo maalaayacni kugu dhaaftay, waxaana bilaabaysa inaad naftaada barbar dhigtid ardaydii ugu sareysay fasalkaaga taas oo kaa dhigaysa mid ka quusta waxbarashada kana rajo dhiga aduunka, lakiin mudo yar gudaheed waxaad bilaabaysaa inaad cashar ka baratid guuldaradaasi, waxaad furaysaa safxad cusub waxaaadna ka dheeraanaysaa dhamaan ficilada aan subaneen ee sababta u ahaa guuldaradaadaa, waxaad bilaabaysaa dejinta qorshayaal iyo jadwalo cusub waxaad maareenaysaa noloshaada waxaadna u fakaraysaa qaab iyo wado ka duwan hab fikirkii hore, halkan ayuuna ka bilaabmaya isbedelka iyo raadka suuban ee ay guuldaradu ku reebtay naftaada waxayna sabab u noqonaysaa inaad ka feejignaatid guuldarooyin badan oo noloshaada dhaawici lahaa hadaadan Is badal sameyn.

4. Guul-daradu waxay kaa dhigaysaa mid ku tiirsanaada naftiisa 

‘’HENRY FORD waxaa lagu tiriyaa dadka ugu saameynta badan aduunka xiligan, waxa uu yagleelay shirkada ugu weyn ee gawaadhida soo saarta ee la dhaho FORD waxa uu leeyahay oraah caan ah taas oo ah GUULDARADA HADII SI FUDUD LOO QEEXO WAA FURSAD KU SIINAYSA BILOW CUSUB LAKIIN KA FAKAR IYO QORSHE FIICAN’’ guuldarooyinka waxay ka dhigaan qofka mid ogsoonaada in asiga kaliya uu yahay kan guuldareysan kara ama guuleysan kara in fashilkiisu uu saameenayo asiga kaliya, kaligiisuna yahay kan go’aamin kara halka ay u jeedsaneyso noloshiisu.

Post a Comment

2 Comments