Waxaan isku dayi doona barnaamijka maanta inaan ku iftiimino wax yaabo nolosheena muhim u ah, marka aynu dooneyno in aan nafaheena ka dhigno mid nolol heer sare ah ku nool oo aduunkana raaxo ku nool aakhirana Ilaahay SWT raali ahaanshihiisa gaarta.
HORMARKA
Hormarka sidiisu muxuu u baahan yahay? Hormarka noloshaadu wuxuu u baahan yahay naf u layli san inay qabato hogaanka nafteeda, hadaysan naftaadu haynin jaraha wixii ay doonaysay nafta inay ku edbiso, waxaan umaleenaya waxaa la garaay wakhtigii aad qaban lahayd.
Qiimahaaga waad isheegi kartaa, markaanse jadwal malmeedkaada ama calendarkaaga ayaan rumeysan karaa, hadaba sidee ayaan u dhisi karaa jadwalkaan ku hagaajin lahaa noloshayda kala-yaacsan. Waxaan doonaya inaan kula wadaago qodobo kooban.
1. KA FOGOOW AALADAHA INTERNETKA
Subixii waagu markuu kuu baryo waxaad ka fogaata aaladaha internetka oo dhan telephone kaaga ha fiirin laptop kaaga ha daarin ka durug, waxaad ku jirtaa saacadaha wakhtiga cimrigaaga ugu muhiimsan uguna qaalisan, waa wakhtigaad Allaah SWT mahadin lahayd waa wakhtigaad ka fakari lahayd nimcooyinka Allaah SWT uu ku siiyey ee kugu wareegsan, waa wakhtigaad Alle SWT maalin nimada bilowgeeda aad waydisan laheyd siduu kugu kaalmen lahayd, ma mudna in aynu cimrigeena iyo wakhtigeena ku bixino saacadaha ugu qaalisan ee ugu horeeya waabariga inaynu ku bixino inaan ‘’check’’ gareyno internetka iyo wixii xalay lasoo galiyey intaan hurday, waxay taasi ay sabab kugu noqonaysaa inaad joodariga ku dib dhacdid, waxay taasi sabab kugu noqonaysaa inaad waxyaabo faro badan oo muhim kuu ah oo ad qabsan lahayd inaad kadib dhacdid, waxay taasi sabab kugu noqon kartaa waana tan u darane inay niyad jab kaa soo gaaro, ka fogoow aaladaha internetka markuu waagu baryo maxaa yeelay cimrigaaga ixsaan weyn ayaad u sameynaysaa.
2. JIRKAAGA IXSAAN U SAMEE
Jimicso oo jirkaaga kala bixbixi subixii markaad jodarigaaga ka dagtid wax uun jimicsi ah samee intuu doonaba ha le ekaade ilaa 3 daqiiqo 2 daqiiqo, jimicsigu wuxuu kaa caawinaya inaad nashaad dareentid maalintaas oo dhan.
3. QURAACO
Qodobkani waa qodob dadka in faro badani ay sahladaan oo fududeystaan, inuusan qofku quraacanin oo uu sidaas ku socdo, isku day inaad quraacatid subixii quraacda aad cunaysidna ha noqoto quraac isku dheeli tiran o misaaman yaysan noqon quraac macaanku uusan ku badneen maxaa yeelay waxaa dhacda qofka markuu macaan faro badan subixii qaado in duhurkii dhawr saac kadib markii uu kaso kaco joodariga in la arko isagoo caajisan isaga oo wax walba ay dhibayaan oo ka xanaaqaya wax yar waxaana keenaya waxyaabaha macaanku ku badan yahay o aad cunaysid, sidaas darteed naftaada u ixsaan samee oo cun quraac isku dheeli tiran oo miisaaman.
4. LABISKAADA DIYAARSO
Maalin nimadaadu waxay kasoo bilaabantaa habeenkii marka aad seexanasyid, habeenkii intaadan seexan ka hor waxaad diyaarsataa dharka aad ku labisanaysid rag iyo dumar kuu doonaba ha noqdee segsaantaada kabaahaga iyo dharka aad hosta ka gashanaysid iyo kuwa kor aad ka gashanaysidba, taasu waxay kuu reebaysaa wakhti faro badan oo waxyaabo faro badan aad ku qabsatid subixii waxaa dhacda markuu qofka soo kaco subixii uu soo qubeysto kadibna uu armaajada uu dharka soo hor istaago uu garan waayo wuxuu gashanaayo kabacdiina uu wakhti ku lumiyo halkaas inta uu ka fakaraayo maxaan gashadaa, habeenkii inta aadan sexan ka hor diyaarso dharka aad gashanaysid.
5. SUBIXII MARKAAD SOO KACDID BIYO CAB
In faro badan dadku ma jecla inay biyo cabaan aroortii laakiin isku day biyo qandac ah inaad aroorti cabtid oo jirkaaga wasakh faro badan ayay ka nadiifinaysaye ku dadaal, biyo cab waagu markuu kuu baryo maxaa yeelay waxaad huruday 8 saac, 6 saac ama 7 saacadood uu jirkaagu jiifay oo uu qalalnaa baa jirta sidaa darted ku dadaal inaad ugu yaraan hal galaas oo biyo ah inaad cabtid subixii.
6. AKHRI QUR’AANKA
Salaada subax kadib waxaad isku daydaa inay doontaba ha noqotee inaad wax uun kitaabka ilaahay SWT aad ka akhridid, waa qofka doonaya in uu guuleysto meesha maalin nimadiisa ay ka bilaabato, waa wax yaalaha ugu horeeya ee ugu muhiimsan waana tiirarka ugu muhiimsan ay tahay qofku inuu dhulka aasto markuu subixii waagu u baryo, Allaah inuu mahadiyo maalin nimadaada waa inay dhamaad iyo bilow iyo dhexdheexaad waa inuu Allaah SWT wax ku leeyahay waa inaad wakhtiga Ilaahay SWT uu ku siiyey aad wax ka siisid oo aad rabigaaga kaalmeysatid oo tiraahdid yaa rabi taas aaydna guul ku gaari gartaa aakhiro iyo aduunba.
1 Comments
M.a
ReplyDelete