Caadooyinka waxaa loo kala qaadaa kuwo fiican oo qofka noloshiisa horay u riixaayo, iyo kuwo xun oo lagu magacaabo caadooyin xunxun. Si aan uga fogaano caadooyinka xunxun halkan waxaan kugu soo gudbinayaa 6 caado oo xunxun, oo inta badan la isku raacay inay qofka noloshiisa fashil ku keenayaan.
1. Inaad fashilkaaga dusha usaarto cid kale inaad eedeyso dadka kale adigoo leh idinka sabab u ah xaalada aan ku suganahay, inaad mashaakilkaaga dadka ku eedeyso waxaa ka dhalanaayo inaad isku qanciso gaarida xal, inaad adigu tahay sidoo kale qof dhameystiran. Mashaakilaana ay dad kale sabab u yihiin taas oo kaa hor istaagaysa raadinta xal, maadama aad niyada gashatay in mashaakilkaaga dadka kale masuul ka yihiin ama ay iyagu sababeen waxaa adag inaad xal hesho sababtoo ah meel aanu xal ku jirin ayaad ka raadinaysaa, eedeynta dadka kale waxay kaa hor istaageysaa barashada khaladaadkaaga inaad gafafkaaga ka barato.
2. Inaad isbarbar dhigto dadka kale noloshaada la sinto, nolosha dadka kale noloshaan aan noolnahay Ilaahay qof walba si gooniya ayuu u abuuray wuxuuna leeyahay nolol u gaara, oo ka duwan nololaha dadka kale. Haddii qof aad saaxiibo tihiin tusaaale ahaan aad u aragto inuu xaqiijiyey wax aadan xaqiijin, ha is murjin hana isku arkin in aad ka liidato qofkaas, waxaa is barbar dhigtaa sida aad shalay ahayd adiga wixii kugu soo kordhay naftaada dib ugu laabo, isweydii 5 sano ka hor sidaa ahaa maxaa iska kay badalay sanadkii lasoo dhaafay maxaan xaqiijiyey qiyaas waxaa kugu filan naftaada, inaad adiga isxisaabiso guulaha aad xaqiijisay iyo wax yaalaha aad ku fashilantay si aad isku saxdo.
3. Kalsooni la’aan inaadan isku kalsooneyn, albaabka ugu horeeya ee fashilka laga galo waa in qofku rumeeyo in uuna waxba ahayn in laga caqli badan yahay, go’aan uuna qaadan karin in waxa loo sheegay waaxana ahayn uusan sameeyn karin ra’yi uusan lahayn, taaso ah in qofku noloshiisa ay ku tiirsantahay dadka kale in haddii ay mashaakil soo wajahaan uu sugo qof u xaliya, qof wax usheega qof ku dhaha sidaan samee, waxaad ogaataa qofka xaalada uu ku sugan yahay noloshiisa cid uga aqoon badan malahan, kalsoonida waa shey aad iyo aad muhiim u ah inta aad isku kalsoontahay aad aminsantahay awooda uu illaahay ku siiyey inaad tahay qof dhameystiran, waxaad awoodaa in aad waxyaabo badan xaqiijiso.
4. Katanaasulida mabaadi’daada waxaan nahnay marka kowaad dad muslimiin ah, waxaana leenahay mabaadi aad u wanaagsan akhlaaqda guud dhawrsanaanta, runta amaanada qofka waxa uu qof ku yahayna waa mabaadi’diisa qof aan mabaadi lahayn qof ma ahan haddaa qurbo joog tahay ilaali akhlaaqda islaamka iyo mabaadiida islaamka hana ka tanaasulin si aadan u noqonin mid gudaha ka maran oo dabayshii soo dhacdaaba tuurayso, sidoo kale ha ka tanaasulin ahdaaftaada iyo waxyaabihi aad dajisay in aad sameyso.
5. Inaadan aqoonin qaabka dadka kale loola xariiro, xiligaan waxa aan noolnahay saman gaar ah nolol dagdag ah wax walba isbadalaayaan waxaa loo baahan yahy in aan barano sida xiriirada loo sameysto dadkana loola xariiro, inaan barano iskiilis [skills] inaan barano luuqado kala duwan, markaad gaariga laamiga ku wado luuqada adiga iyo laamiga idin dhex mareyso waa tilmaamaha ku dhagan wadada waana nooc ka mid ah wada xiriirka samankaan aan noolnahay.
6. Cago jiidka, waxaa loola jeedaa inaan isku qancino fadhi anagoo leh hawshaan bari ayaan qabaneynaa bari ayaa sameynaynaa inaan dib u dhigno inaan bari bariyeeno, yaa ku siinaya marka koowaad damaanada ah in aad bari gaareyso subax walba oo ay qoraxdu soo baxdo waa hadyad illahay xagiisa kaaga imaaday waa hadyad qaali ah oo aanan lacag lagu badalan karin, waa hadyada inuu illahay ku siiyey wakhti aad wax yaabo badan ku xaqiijin karto wax ku anfaca aakhiro iyo aduunba, sidaas darteed subaxda iyo galabta waa shay aad iyo aad muhiim u ah.
0 Comments