Noloshu waxay I bartay in aduunku yahay dugsi, dugsigaasna maamulihiisuna yahay wakhtiga macalinkiisuna yahay qadarka ardaydiisuna ay yihiin aadanaha, muhiimaduna tahay in imtixaanka lagu guuleysto.
Noloshu waxay I bartay in daqiiqada xanuunka ahi ay tahay saacad halka saacada farxada ahina ay ka tahay daqiiqad. Noloshu waxay I bartay inaanan guuldarada ka murugoonin himiladayduna ahaato iftiin aan kaga gudbi karo guuldarada.
Noloshu waxay I bartay inuu Allaah SWT mar marka qaar dadka albaab ka xiro si uu ugu furo mid ka khayr badan lakiin dadka badan koodu waxa ay sii eegaan albaabkii xirmay iyagoo moogan kan furmay ee khayrku ugu jiro.
Noloshu waxay I bartay in hadalka wacan uu yahay pasaporka ugu mudan ee lagu dhex maro qalbiyada aadanaha. Noloshu waxay I bartay in daqiiqad walba aan moodo tii igu dambeysay aduunka kuna noolado iiman.
Noloshu waxay I bartay in maalin walba cadceeda soo baxdaa ay dadka la hadasho, iyadoo leh maalin cusub ayaan ahay dibna usoo noqon maayo ilaa maalinta qiyaame ee iga faaideysta.
Noloshu waxay I bartay inaan dhageysto oo an ixtiraamo rayi kasta oo la isoo bandhigo, balse khasab aanay igu ahayn inaan qaato. Noloshu waxay I bartay intaan ku fakari lahaa in ay dadku weerar igu yihiin aan ku fakaro inay difaacayga yihiin.
Noloshu waxay I bartay in mararka qaarkood ay amusnaantu tahay hubka lagu dagaalamo kuwooda ugu ridada dheer ee la adeegsado. Noloshu waxay I bartay in marka aad meel sare gaadhid ay saaxiibadaadu baran doonaan cida aad tahay, marka aad meel hoose timaadidna adigu aad baran doontid saaxiibadaadu waxa ay yihiin.
Noloshu waxay I bartay in dhoola cadeyntu ay tahay hadal wacan balse aanaan xuruufo lahayn. Noloshu waxay I bartay in qofka aan qorshaha lahayn uu guuleysan karo lakiinse dhibaatada iyo caqabadaha ka hor imaanaya ay ka badan yihiin kuwa ka hor imaanaya qofka qorshaha leh.
Noloshu waxay I bartay inaanu carabku lahayn lafo lakiinse uu lafaha jabin karo. Noloshu waxay I bartay in qofka dhaawaca ku ciyaara uu yahay qofaan waxba ka aqoon dareenka xanuunka.
Noloshu waxay I bartay in meel la maro ay ugu wacan tahay halkii uu maray ‘’Nabi Muxamed salalaahu caleyhi wasalam‘’. Noloshu waxay I bartay inaanu jirin qof liibanay haduu jiro se wuxuu ahaa mid u samo fali jiray waalidkii.
Noloshu waxay I bartay inaanan ku mashquulin waxaana ogeyn hadda balse aan xooga saaro inaan ogaado xaga aan u socdo iyo meesha aan rabo inaan gaaro.
Noloshu waxay I bartay in furaha koowaad ee khaasuruhu uu yahay inaa isku dayo inaan raali geliyo shaqsi kasta, waxaan bartay in hubka ugu weyn ee aan u baahnahay uu yahay dulqaad iyo wakhti hurid, marka aan rabo inaan meel hiigsado, waxay I bartay in farqi u dhaxeeyo tijaabinta badan iyo ka quusashada badan.
Noloshu waxay I bartay in damiirku yahay cod kugu dhex nool kuna gaarsiiyo yoolkaaga, hantiduna ay tahay sahay fiican lakiinse ay noqoto saad xun marka ay ku maamusho.
Noloshu waxay I bartay aduunka oo aad ka saahido in ay tahay guul iyo hormar weyn waxayna I bartay carabkaygu yahay kan ii horseedaya libaan ama khasaaro aakhiro iyo aduunba.
Noloshu waxay I bartay inaan ka quusan gaarida guushayda iskana dhago tiro kuwa isku dayaya in ay iga leexiyaan wadadayda.
0 Comments