Latest

6/recent/ticker-posts

NOQO QOFKAAD DOONAYSO INAAD NOQOTID

 


Waan idinku dhiirigalinayaa waana filaya isla hada inaad sameysaan daraasado iyo cilmi baarisyo kala duwan, roobka iyo raxdmada illahay shubaa ee cirka wuu ka keena bada iyo barigaba si isku inay ugu daan, bariga ama dhulka waxay kasoo saaraan nabaad iyo doog xataa haday ciidu qalasho balse biyaha roobka ee illahay cirka keena biyaha bada ee dhanaan waxba kama badalaan. 

Adigana noloshaada cid kale waxba ka badali mayso hadaay aqoontu kaa badalin adna aadan is badalin, hadaad hadda xalfad aroos qabato oo aad ka qayb gasho sow ma qiyaasi kartaan dareenka farxada leh ee rayraynta leh ee qosolka leh ee qoob ka ciyaarka leh ee ay xalfada arooska wadato hadad se aas ama geeri tagto waad garan karta in shucuurtaada taas ka duwan tahay, sida xalfadu arooska kuu xasuusinayso dhaldhaalka iyo hawooyinka nolosha, aasku ama geeridu kuu xasuusinayso inay aakhiro jirto noolana dhinte yahay adigana maalin maalmaha ka mida wadku kugu soo xaadiraayo, aqoontu haku xasuusiso in dalkaaga iyo dadkaagu ay ka mid yihiin dunida saddexaad oo dam ah adiguna iftiin iyo toosh iyo nal daara aad u tahay. 

Qof kasta oo xoriyada u halgamaa si uu xoriyad ugu noolaado dhimasho ayuu u bareera, qof kasta oo nabadgalyo u halgamaana si uu nabadgalyo ugu noolaado nafta u huraa, qof kasta oo nolol wanagsan u halgamaana si uu nolol wanaagsan ugu noolado waxbuu u barta. Haddaba waa suaale waxaad baranayso iyo cilmiga iyo aqoonta aad baranayso ma waxaad u baranaysaa kaliya inaad ku shaqeysato mise waxaad u baranaysaa in lagugu yeero hebel waa jaamici mise waxaad u baranaysaa in aqoontaasi dadkaaga iyo dalkaaga wax kusoo biiriso, saddexaas jaanis ba haddaad wax u baranaysaan saddexdiiba waad haysaan, haddaad wax u baranayso in hebel waa jaami oo waa aqoonyahan lagugu yeero, tuulada yar ee aad ka timid iyo magaalada aad joojtid makhaaxiyaha ku yaal subaxa hore kusoo kalah, oomo iyo tirtirana soo qaado markaas dadkuba way ku dhihi e. 

Haddaad se wax u baranayso aqoonta aad baratay in ay noqoto mid wax ka badasha dalkaaga iyo dadkaaga iyo naftaada waad awoodaa, adiga ayayna kugu xirantahay, haddaad se wax u baranayso inaad ku shaqeysato waayi maysid haayad aad ka hawl gasho oo ay afar bage ku dirto oo aad ku indho madoowaato. 

Qof aqoon yahan ah oo PHD ah ama MASTER sita ama DEGREE sita oo waxba ikhtiraacayn oo waxba soo kordhineyn oo waxba soo biirideyn waxba kama duwana akhriste wanaagsan

Post a Comment

0 Comments