Waxa aynu qormadan kooban ku wadaagi doonnaa Talooyin kooban oo ay muhiim tahay in aanay nolosheena ka maqnaan kuwaas oo ka dhigaya nolosheena mid qaabaysan oo hore u socod astaan u ah, dhugasho wacan :-
1. Xooji xidhiidh adi iyo Rabbigaa idiin ka dhaxeeya
Waxa ugu qiimaha badan ee uu qof helaa waa raali ahaanshaha ilaahay waayo waxa ay u horseedaysa in uu nolosha aduunyo iyo taa aakhiraba uu ku guulaysto Noloshiisuna ay noqoto mid farxad iyo rayrayn ku dhisan. Waxa aad ogaata hadii Alle raali kaa noqdo in dadkun ay raali kaa noqonayaan waana waxyaabaya uu qofku raadiyo in ay dadku raali ka noqdaan .
Sida darteed ha hilmaamin in aad fasho wax walba oo Rabbigaa kuu dhawaynaya sidoo kale aad ka fogaato wax kaste oo idiin kala kaxaynaya.
2. Noloshaada Habee oo nidaam u samee
Waxa muhiim ah in nolosheenu ay ahaato mid nidaamsan qaabaysan qorshe ay ku socoto leh, balse aanay ahayn nolosha caadiga ah qabata wax walba oo caadi la ah oo qorshe iyo hage midna lahayn, se kolba waxa maalintaa ay la kulanto qabata.
Hadaba si noloshaadu mid horumar iyo dhanka wanaagga u socota ay noqoto waa in ay wax walba oo aad samaynayso ay ahaadaan mid nidaam iyo qorshe ku socda kuwaas oo kugu hogaaminaya in aad yoolashada hirgaliso.
3. Noloshaadu waa in ay bartilmaameed leedahay
Waxa dunida la isku dhaafay waa yoolasha la kala leeyahay iyo hammiyada la sido, ha noqoto dawlado ilaa qofaf. Sababtu waa in yoolasha aad nolosha ka leedahay qaabaynayaan hab nololeedkaaga kuwaas oo ka dhigaya in aad fasho wax walba oo yoolasha kuugu horseedaya in aad gaadho oo aad xaqiijiso.
Sidaas si lamida dawladuhuna waxay qabanayaan waa wax ka turjumaya hanka iyo hiigsiga ay leeyihiin.
4. Baadh xirfado cusub oo aqoontaada kordhi
Aqoontu waa waxa kaa duwaya dhamaan dadka kula siman waxa aad kaga duwanaanaysa cid kaste qaab hadalka, fikirka, si wax u aragga, hammiyada iyo hanka la kala lee yahay. Sidaa darteed waa muhiin in maalintaada ku jirtu saacadna ha noqotee wakhti aad noloshaada aqoon cusub ku kordhinayso.
Xirfadu waa muhiim nolosha maanta aad ayay muhiim u tahay waxa aad helaysa xirfad aad meel walba kaga shaqaysan karto adiga laguu baahanyahay, xor u tahay, fikirkaaga aad ku soconayso, kaaga baahnayn cid aad u daba fadhiisato oo shaqo kuu raadisa ama kugu maamusha.
Sida darteed ogow xirfadaha ha noqdaan mid gacmeed oo xoogsi ah iyo mid nololeed oo naftaada kaabaya.
5. Luuqad cusub baro gaar ahaa labada luuqadood ee ( English iyo Arabic).
Luuqaddu waa muhiim waa furaha cilmiga hadaad luuqad aqoon macnaheedu waa in aad jaahil ka tahay waliba aanad jaahilnimadaa ka baxi karayn ilaa aad barato luuqaddaas, sababtu waa wixii aqoon ku qorna ma tihid mid akhrin kara oo dhugan kara .
Sidaa darteed waa muhiim in aynu luuqadaha barano si aynu aqoonta ku duugan ula bixi karno.
Waxa ugu yar ee ka faa'iidayso barashada luuqad waa in aad shirqool ay kuu maleegayeen cid luuqadda ku hadlaysaa aad ka badbaado.
6. Wax akhri oo maankaaga quudi
Akhriska waa aynu ogsoonnay faa'iidadiisa in uu yahay quudiyaha iyo kobciyaha garaadkeena sida jidhkuba uu u quuto cuntada. Sidaa darteed hadad doonayso in aad aqoon hesho, hadalkaagu saamayn yeesho, dadka ka fiiro dheeraato, ogaal aad saaxiib la noqoto wax akhri oo hadana Akhri.
7. Isku dheeli tir qaybaha noloshaada
Naftu waxay u baahantay marmarka qaar in nasiino qaadato, jawi badalasho hesho, jimicsato. Sida darteed noloshaada yaanay ka maqnaanin intaasina si xawaaraha aad jarayso shidaal cusub iyo firfirconi u helo. Maalin kaste waa in aad leeday ammin aad jimicsi aad la timaado.
8. Nolosha casharadeeda wax ka baro kana hor tag wax kaste oo dib kuu dhigaya
Noloshu waa cashar adna arday ayaad u tahay markaa waa in aad noqotaa arday wanaagsan oo casharrada ay ku siinayso si wacan u fahmo u qaato si uu barri ugu meel maro.
Waxa aad ka hortagtaa wax kaste oo dib kuu dhigaya, u adeegayn yoolashada, ammintaada kaa luminaya .
Waa 8 qodob oo aan aad u koobay si aanay idiin ku adkaan akhriskoodu, balse mid walba u baahan in aad ku dul fakarto .
Waxan rajaynaya hadii aad qaadato in ay noloshaada is baddal wayn ku samayn doonaan .
1 Comments
guulaysoooo
ReplyDelete