1. Qofna aad ha ugu sii tiirsanaan aduunyadan, sababtoo ah xataa hadhkaaga ayaa kaa hadha markaad mugdi ku jirto.
2. Inaad cadho isku xejisaa waa sida inaad sun cabtoo kale oo aad hadana rajayso inuu qofka kale ku dhinto.
3. Cabsidu kaama celinayso dhimashada, noloshay kaa celinaysaa.
4. Si aad noloshaada u badasho waxaad u baahan tahay inaad badasho waxyaabaha aad muhiimada siiso.
5. Haddii aad laba qof markaliya wada jeceshahay, dooro ka dambe, sababtoo ah haddii aad dhab ahaan u jeclayd ka hore, ka labaad maad jeclaateen.
6. Inaanad jawaabin laftarkeeda ayaa jawaab ah, waana jawaab aad u awood badan, taa xasuusnow.
7. Ma noqon karno waxaynu u baahanahay inaynu noqono inagoo baaqi kusii ahaanayna sida aynu nahay.
8. Ninka doqonka ah waxa lagu gartaa hadalkiisa, ninka caqliga badana waxa lagu gartaa aamusnaantiisa.
9. Ka digtoonow cilmiga beenta ah, wuxuu aad uga khatar badan yahay jaahilnimada.
10. Haw ogolaan inay dadka kale go’aansadaan qofka aad tahay.
11.Waligaa qofna ha u sheegin dhibaatooyinkaaga, 80% ma danaynayaan, 20% way ku faraxsan yihiin in dhibkaasi ku haysto.
12. Qaado waxa aad haysato oo isticmaal, si aad ugu abuurato waxa aad rabto.
13. Haday wax kaa qaldan yihiin hagaaji, naftaadana ku tababar inaanay warwarin, warwarku waxba ma hagaajiyo.
14. Waligaa ha qoomamayn maalin noloshaada kamid ah, maalmaha fiicani waxay ku siiyaan farxad, maalmaha xuni waxay ku siiyaan khibrad, maalmaha ugu xuna waxay ku siiyaan casharo, maalmaha ugu fiicana waxay ku siiyaan xasuuso.
15. Qofka caqliga badani ma yidhaa waxkastaan aqaanaa, doqonka oo kaliya ayaa yidhaa waxkastaan aqaanaa.
16. Xidhiidhka dhabta ahi wuxuu leyahay, ilmayn, dagaal, aminaad, xanuun, muran, samir, masayr, iyo waxa ugu muhiimsan oo ah jacayl.
17. Haka cabanin waxyaabaha aanad rajaynayn inaad wax ka badasho.
18. Dabeecada xumi waa sidii taayir banjaray oo kale, meel fog kuma tagi kartid haddii aanad badalin.
19. Waligaa ha dhaawicin qof ujedadiisu ahayd oo kaliya inuu ku arko adigoo faraxsan.
20. Waligaa saddex nooc oo dadka ah noloshaada ha iloobin, qofkii ku cawiyay waqtiyadii adkaa, qofkii kaa tagay waqtiyadii adkaa iyo qofkii ku galiyay waqtiyadii adkaa.
0 Comments