Latest

6/recent/ticker-posts

30 XİGASHO EE UGU CAANSAN XİKMADİHİİ MARK TWAİN OO KU SAABSAN NOLOSHA PART 1

30 XİGASHO EE UGU CAANSAN XİKMADİHİİ MARK TWAİN OO KU SAABSAN NOLOSHA PART 1

30 XİGASHO EE UGU CAANSAN XİKMADİHİİ MARK TWAİN OO KU SAABSAN NOLOSHA PART 1

 

 

1. Labada maalmood ee noloshaada ugu muhiimsan waa maalin kaad dhalatay iyo maalinka aad ogaatid sababta aad u dhalatay.

 

2. Waligaa ha la murmin dadka nacasiinta ah, waxay kuu jiidi doonaan hoos, ilaa ay ku geeyaan heerkooda kadibna way kaa adkaanayaan si khibrad leh.

 

3. Haddaad runta sheegtid uma baahnid inaad wax xasuusato.

 

4. İnaad run barkeed sheegto waa beenta ugu fuleynimada badan, macnaha haddii aadan runta oo dhan sheegin waxaad dadka u marin habaabin kartaa sida adigoo been cad sheegaya.

 

5. Waligaa qof ha u ogolaan inaad mudnaantaada siiso yadoo naftaadu iyaga u tahay ikhtiyaarkooda.

 

6. Joojinta sigaarku waa waxa ugu fudud aduunka, waan ogahay sababtoo ah kun jeer ayaan sameeyay.

 

7. Cabsida dhimashadu waxay ka timaada cabsida nolosha, qofka si buuxda u nool wuxuu diyaar u yahay inuu dhinto wakhti kasta.

 

8. Sirta hore usocodku waa inaad biloowdo.

 

9. Haddii aadan akhriyin wargeesyada waxaad tahay war la’aan, haddii aad akhrido wargeesyada waxaad tahay war xumo tashiil.

 

10. Naxariistu waa luuqada ay maqli karaan dhagooluhu, indhoolayaashuna ay arki karaan.

 

11. Si aad nolosha ugu guuleeysato waxaad u baahantahay labo shay, jaahilnimo iyo kalsooni.

 

12. Waligay uma ogolaan in wax barashadayda iskuulku ay carqaladeeso wax barashadayda nolosha.

 

13. Geesinimadu waa ka hor taga cabsida karti u yeelashada cabsida, macnaheedu ma ahan in ay cabsidu meesha ka maqan tahay.

 

14. Kuma tiirsanaan kartid indhahaaga marka mala awaalka saadaashu uusan diirada kuu saarneen.

 

15. Lacag la’aantu waa xididka xumaanta oo dhan.


30 XİGASHO EE UGU CAANSAN XİKMADİHİİ MARK TWAİN OO KU SAABSAN NOLOSHA PART 1

 

16. Had iyo jeer adeec waaliidkaa inta ay joogaan.

 

17. Haku warwareegin dhulka adigoo leh aduunku asagaa inoo baaahan, dunidu waxba kaagama baahna, aduunku wuu kaa soo horeeyay adiga.

 

18. Da’du waa arın maskaxdu macno u sameyso. Haddii aadan adiga macno u yeelin, wax dhiba ma leh, waayo ma jirto da’ xadidan si aad shaqo weyn u qabato ama hormar u sameeyso.

 

19. İnaad afkaaga iska xirato oo aad doqon u ekaato ayaa ka wanaagsan inaad furto oo aad dadka shakiga ka saarto inaad doqon tahay.

 

20. Marka hore xaqiiqdaada ogow, kabacdi waxaad u qaloocin kartaa sidaad doonto.

 

21. Dabeecada qofka waxaa laga baran karaa ereyada uu sida joogtada ah uu u isticmaalo xiliga wada sheekaysiga.

 

22. Markasta oo aad isku aragto inaad la safan tahay aqlabiyada, waxaa la joogaa wakhtigii aad aad yara hakan lahayd oo aad dib u fakari lahyd.

 

23. Beentu waxay socon kartaa kala bar aduunka, iyadoo ay runtu wali kabaha gashaneyso.

 

24. Qofka aan wax akhriyin wax faaido ah ma dheera, qofka aan waxba akhrin karin.

 

25. Hormarinta joogtada ah ayaa ka wanaagsan fiicnaanta soo dib dhacda.

 

26. Geesninimadu waxay kugu dhiirigalinaysaa qaadashada halista ah, inaad noqoto mid naxariista iyo inaad noqoto mid aan kibrin oo is dul dhiga, geesinimadu waa aasaaska sharafta. 

 

27. İn wax la ogaado ayaa ka wanaagsan malaha.

 

28. Sii maalin kasta fursad ay ku noqon karto maalinta ugu quruxda badan noloshaada.

 

29. Noloshu way gaaban tahay dhakhso u cafi, si dhaba wax u jecloow, u qosol si aan xad lahayn marnaba haka shalayin wax kusoo maray.

 

30. Sida ugu wanaagsan ee aad naftaada uga farxin karto, waa inaad iska daydo inaad qof kale ka farxiso.

Post a Comment

0 Comments