Latest

6/recent/ticker-posts

30 XİGASHO EE UGU CAANSAN XİKMADİHİİ MARK TWAİN OO KU SAABSAN NOLOSHA PART 2


31. Samee wax yaalaha aadka kuu cabsi galiya, waxaa la hubaa in cabsidu halkaa ku dhimanayso.

 

32. Maalin kasta samee waxaadan rabin inaad sameyso, tani waa qaanuunka dahabiga ah ee aad ku yeelan karto dhaqan wanaagsan oo ah inaad gudato waajibaadkaga aadan dhibsanayn.

 

33. Ha sugin wakhtiga waligii noqon maayo mid haboon.

 

34. Waxaan qof walba bari karaa siduu nolosha uga heli lahaa wuxuu rabo, dhibaatadu waxay tahay ma heli karo qof ii sheegta wuxuu rabo.

 

35. Sirta hore usocodku waa inaad bilowdo.

 

36. Samee waxa saxda ah waxay ka farxin doontaa dadka qaar, inta kalena way ka yaabin doontaa.

 

37. Dhibaatadu maaha in saaxiib loo dhiman karo, lakiin dhibtu waa in la helo saxiib mudan in loo dhinto.

 

38. Noloshu inta badan kama koobna xaqiiqooyinka iyo dhacdooyinka, waxay ka kooban tahay inta badan duufaanada fikradaha ee waligood ku qulqulaya madaxa qofka.

 

39. Xikmadu waa abaal aad hesho inta aad nooshahay oo ka yimid dhageeysiga aad ka door biday hadalka.

 

40. Si aad u hesho qiimaaha farxada waa inaad haysato qof aad la qaybsato.

 

41. İn lagu maamuuso adoo mutaystay, ayaa ka roon in lagu maamuso adoo mutaysan oo u qalmin.

 

42. Qofna ma noqon karo mid qanacsan isagaan isu ogolaan.

 

43. Waxaan ahay nin da’ ah, waxaan ogaaday dhibaatooyin badan lakiin intooda badan waligood ma dhicin, macnuhu waa dhibaatooyinka badan ee aad ka walwalsho inaysan badankoodu dhicin.

 

44. Markasta oo aan wax badan ka barto dadka, waa markasta oo aan eeygayga sii jeclaado.

 

45. Kumanaan halyeey ayaa nool ama dhintay, iyagoo oo aan naftooda ogeyn ama dadka kale aysan ogeyn.

 

46. Marka aad jaceyl ka kalluumaysanayso, kusoo ugaadhso qalbigaaga, hakusoo ugaadsan maskaxdaada.

 

47. Bini’aadamku midba midka kale waxay ku noqon karaan, kuwo xun oo naxariis daran.

 

48. Daacadnimadu waxay ahayd tii ugu wanaagsaneed kuwii lumay.

 

49. Macluumaadka ugu xiisaha badan waxay ka yimaadan caruurta sababtoo ah waxay sheegaan wax kasta oo ay ogyihiin kadibna way iska aamuusan. 

 

50. İsha kaftanku maahan qosol, ee waa murugo macnuhu waxaa weye in aynu kaftanka raadino si aynu murugada uga nasano.

 

51. Bangigu waa saaxiib ku amaahiya dalladiisa marka qoraxdu soo baxdo laakiin raba inad dib usoo celiso daqiiqada uu roobku sidaa u bilaamo.

 

52. Waligaa ha la galin dagaalka fikradaha, qof aan hubeysnanyn.

 

53. Waligaa xaqiiqada ha usheegin, qof aanu u qalmin.

 

54. Mar kasta oo wax la mamnuuco, waa mar kasta oo ay sii bataan.

 

55. Saaxiibo wanaagsan, buug wanaagsan, iyo nafsad dageni waa nolosha inta ugu haboon.

 

56. İskaga hadh dhalanteedka, marka uu baab’o waxaa laga yaaba inaad adigu wali jirto, lakiin waxaa duntay noloshaadii, macnuhu waa inaadan noloshaada khiyaali ku noolaan.

 

57. Mabaadi’du malahan awood dhab ah, marka laga reebo midka si dhaba loo koriyey.

 

58. Dhawaqa ficilku wuxuu gaaraa, meel uusan hadalku gaari karin.

 

59. Ma jiraan wax dib u habeen uga baahi badan dhaqamada dadka kale, macnuhu waa inaynu markasta ku mashquul sannahay dhaqamada dadka kale, halkii aynu ku mashquuli lahyn kuweena.

 

60. Xanaaqu waa aashito, dhibka ugu weyn wuxuu u geeystaa weelka uu ku jiro ee uu ku kaydsan yahay intaan meel kale lagu shubin, macnuhu waxaa weeye in xanaaqu dhibta ugu badan uu adiga kuu geeysaneyo.

Post a Comment

0 Comments